August 16, 2017 | Posted by admin

Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda Arima culus oo dhanka siyaasada ah oo ku aadan Khilaaf soo kala dhax-galay Madaxada Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa u kala jabay laba dhinac waxayna kala yihiin Muxaafid iyo Mucaarad, waxaana xildhibaanadii dhawaan ay xilka ka qaadeen Cali Cosoble ay sababtay in uu khilaaf soo kala dhax-galo Madaxda Hirshabeelle.

Xildhibaana ka Carooday xil ka qaadista Madaxwayne Cali Cabdullaahi ayaa xalay Magaalada Jowhar kaga dhawaaqay in ay Doorteen Gudoomiye Baarlamaanka oo U bedeli doona Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Hirshabeelle, Shiikh Cismaan Bare Maxamed.

Sidoo kale waxaa Maanta Xilkii laga qaaday Madaxwayne Ku xigeenka Hirshabeelle  Mudane Cali Guudlaawe oo ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada Mucaaradka ah oo aan Tira Badneen.

Lama oga Meesha uu sal-dhiga doono Khilaafka ka dhax-jira Maamulka Hirshabeelle, in kastoo wili Dowlada soomaaliya aysan ka hadlin.

COMMENTS