August 14, 2017 | Posted by admin

madaxtooyada-soomaaliya

Madaxwaynaha Jamhuuriyad Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Rai’sul Wasaare Xasan Cali Kheyre Iyo Madaxwaynaha Maamulka Konfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheek Aadan Ayaa Hada Waxay Shir Albaada U Xiranyahay Ay Ku Leeyihiin Xarunta Madaxtooyada Soomalia.
Warar Hoose Ee Aan Ka Helnay ayaa shegaya in Madaxda Soomaaliya  ay  Kawada Hadlayaan Arimaha Ku saabsan Hogaamiye Ku xigeenkii Hore ee Alshabaab Shiikh Muqtaar Rooboow Abuu-mansuur Oo Saacadaha Soo Socda Ay Lakulmi Doonaan.

Lama oga wada hadalada dhabta ah ee halkaas ka socda, hasa yeeshee wararka ayaa intaa u eg oo aan Ka heleeno Villa Soomaaliya.

Goorta saxaafada loo soo bandhigi doono ayaa Bulshadu ay il gaar ah ku haysaa, waxaana intaa dheer saxaafada oo Isha iyadana ku haysa Wararka Rooboow iyo Dowlada Soomaaliya.

COMMENTS