March 20, 2017 | Posted by admin

Madaxtooyada soomaaliya ayaa maanta aad u mashquul ah waxaana jirta in xiligaan ay soo dhawdahay ku dhawaaqista Golaha wasiirada.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiin xilal kala duwan ka soo qabtay dolwadihii hore ayaa Madaxtooya buux dhaafiyay.

Sidoo kale wararka ugu wayn ee madaxtooyo aan ka heleen ayaa sheegaya in madaxtooyada lagu arkayo dad qurba joog ah oo qayb ka ah dad olole u ahaa maxamed Cabdullaahi faraamjo xiligii doorashada.

Waqtiyada soo aadan ayaa lagu dhawaaqayaa golaha wasiirada sida aan ka soo xiganay Xubna gole wasiiro doonaya oo Madaxtooya looga yeero.

Maxamed daacad muqdisho.
[email protected].

COMMENTS