Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka gudaha u galay degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen xalay Xoogagii Al-Shabaab ee ku sugnaa degmada.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada huwanta ayaa si nabad waabarigii saaka kula wareegay degmada, iyadoo aan wax xabad ah ka dhicin.
Wararka laga helayo degmada Balcad ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman iyo Ciidamada dowladda saaka ay dhanka wadada laamiga ah ka galeen, markii dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xalay oo dhan ka wadeen hareeraha degmada Balcad.
Inta badan dadka deegaanka ayaa isaga barakacay, iyadoo ay jirtay cabsi ku aadan dagaalo ka dhaca gudaha degmada, hase ahaatee xaafadaha qaar ayaa waxaa ku haray dad fara ku tiris ah.
Ciidamada ayaa durba fariisimo ka sameystay Buundada Balcad oo ah halka looga galo iyo Saldhiga Booliska oo goor dhow ay gudaha u galeen.
Degmada Balcad ayaa Muqdisho kaga beegan waqooyi ilaa 30-KM, waxay noqoneysaa degmadii labaad oo xuduud la leh Caasimada Muqdisho oo ay gacanta ku dhigaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, markii bishii hore ay qabsadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Balcad waxay sidoo kale 60-Km u jirtaa Magaalada Jowhar oo xarun Gobolka Shabellaha Dhexe.

All Posts
BBC 0400 GMT









