March 17, 2017 | Posted by admin

Isku aad aan caadi aheyn ayaa ka dhacay magaalada Nyon ee dalka Switzerland wxaana kasoo baxay xafladda isku aad culus, waxaana la daawan doonaa kulamo loo dhararo oo durba qof walba uu siiyo dareenkiisa kubadda cagta.

Bayern Munich iyo Real madrid ayaa isku aaday wareega 16-ka koobka horyaalada yuurub, waana mid ka mid ah kulamada ugu weyn ee tartankaan, sidoo kalana kulan kale oo weyn ayaa ka dhacay waana Juventus iyo Barceona kuwaas oo sanadkii 2015 isku arkay finalkii ka dhacay Berlin.

Leicester City ayaa wajahi doonta Atletico Madrid, halka Dortmund iyo As Monaco ay isku beegmeen, waxaana inta badan isku aadkaan lagu sifeyn karaa mid kooxaha waaweyn ay isku jabi doonaan ugu yaraan laba kooxood oo aan loo saadalineynin tartankaan ayaa gaari doona Semi Finalka tartanka.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

Atletico Madrid vs Leicester City

Borrusia Dortmund vs As Monaco

Fc Bayern Munich vs Real Madrid

Juventus vs Barcelona

Kulamada lugta koowaad waxaa la ciyaari doonaa 11/12ka bisha April halka kulamada lugta labadaa la dheeli doonto 18ka iyo 19ka bisha April iyadoo 21ka bisha soo socota la qaban doono isku aadka wareega afar dhamaadka.

Maxay idin la tahay isku aadka maanta la qabtay. Kooxahee ayaad saadaalineysaa inay u soo gudbi doonaan wareega afar dhamaadka?

COMMENTS