February 6, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Arday ka timid Somaliland oo u yimid magaalada Muqdisho in ay qayb ka noqdaan  ardayda ka faa’iideysanaysa deeqaha waxbarasho ee dowladda Turkiga ayaa ka cabanaya in deeqahaasi lagu qadiyay oo aysan waxba ka helin.

Ardayda ka timid dhanka deegaannada Soomaaliland oo tiradoodu kor u dhaafayso 50 arday oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in ay jiraan wax isdabo marin lagu sameeyay deeqaha waxbarashada ee dowladda Turkiga laga leeyahay, waxayna intaa ku dareen in imtixaan looga soo qaaday magaalada Hargaysa ay ku guuleeysteen, taasi oo keentay in ay yimaadaan magaalada Muqdisho ujeedaduna ay ahayd in laga qayb galiyo deeqaha waxbarasho ee dalka dibadiisa ah.

Mustaf Max’ed Cabdi oo ka mid ah ardaydaasi ayaa xusay  in hoteelka ay degan yihiin magaalada Muqdisho ay kusoo booqdeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare C/weli Max’ed Cali Gaas, R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise oo isaga ka soo jeeda deegaannada ay ardaydaasi ka yimaadeen iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG kuwaasi oo uu sheegay in ay markale ka codsanayaan sidii ardayda ka timid deegaannada Soomaaliland looga qayb gelin lahaa deeqaha waxbarasho ee ay dowladda Soomaaliya ka hesho dowladaha saaxiibka la ah.

Mustaf waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dowladda KMG ah ay fulinweyso balan qaadyadii ay horey ugu sameysay ardaydaasi ka timid deegaannada Soomaaliland, islamarkaana Muqdisho u yimid in ay ka faa’iideystaan deeqaha waxbarashada ah ee loogu deeqay ardayda Soomaaliyeed, balse ay rajeynayaan in mar un ay heli doonaan waxa ay dowladdu ugu talagashay.

COMMENTS