February 20, 2013 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay shalay gelinkii dambe la wareegeen deegaano ka tirsan Magaalada Baydhabo iyo Diinsoor.

Sida ay sheegayaan wararka howl galkan oo ka bilowday duleedka Baydhabo ayaa ciidamada huwanta ugu suura gashay inay dagaalo kula galaan tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Baydhabo.

Col. Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa sheegay in dagaalada ay la galeen Al-Shabaab uu ahaa mid ku socday hab qorsheysan oo milateri ah, isagoo xusay inay ku siiqeen dhinaca Diinsoor.

“Labadii maalmood ee u dambeysay waxaa horay ugu sii siqnay goobo ay degenaayeen kooxaha jid iyo jaha-diidka ah, waana sii carareen meel yar ayaa dagaal ka dhacay, tuulada Boodis waxaa kaga dilnay saddex ruux, dhinaca Xabaal Bar-baar dada uga dilnay” ayuu yiri Col. Xasan Baydhabo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Ciidamada u dhaqaaqeen dhinaca Iidaale, isla markaana maalmaha dhow ay qorsheynayaan inay tagaan degmooyinka Gobolka Bay ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa xiisado dagaal ka jira deegaano ka tirsan Gobolka Bay, waxaana Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku aadanaa sidii Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran ay uga saari lahaayeen Al-Shabaab.

COMMENTS