December 2, 2017 | Posted by admin

Waxaa soo baxaya Cabsi xoogan oo laga qabo Alshabaab Taas oo xiligaan Laga Dareemayo Deegaanada Ku Teedsan Magaalada Cadaado.

Cabsidaan ayaa Timid Xili dhawaan La sheegay in Ciidamada Alshabaab ay isaga Baxeen Kala bar Qaybo Ka mid ah Goballada Konfureed ee Soonaaliya, islamarkaana ay gabaad ka Raadsadeen Goballada dhaxe.

Sidaa oo ay Jirto ayaa Hadan Waxaa Soo baxaya in ay jiraan Cabsi Xoogan oo ka imaanaya dhanka Cadaado oo dadka Deegaanka ay Muujinayaan.

” waa ay sheegeen in deegaanada Magaalada Cadaado ka ag dhaw ay alshabaab ay soo galeen iyagoo dhuumaalaysi ah.

Lama oga sababaha Keenay in alshabaab ay Halkaa gaaraan, Laakiin Gen, Axmed Maxamed Tareedisho ayaa dhawaan Shaaciyay in Ciidamada Alshabaab ay Gudaha ugaleen Deegaanada Galgaduud, Ka dib Duqeymo ka dhacaya Qaybo Ka mid ah Goballada Konfureed oo ay u adkaysan Waayeen.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS