July 18, 2015 | Posted by admin

Deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay maamusho Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga laga ciidayaa, iyadoo dadka isugu soo baxeen fagaarayaasha iyo masaajidada, si ay salaada ciida ugu dukadaan.

Masaajidada iyo goobo ay Ahlusuna dadka isugu yeertay inay salaada ku oogaan ayaa ka socota Takbiirta, waxaana dadweynaha magaalada xalay cod baahiyeyaal iyo raadiyeyaasha maxaliga loogu sheegay in maanta oo Sabti ay tahay maalinta koowaad ee Ciida.

Meelaha saaka oo sabti laga ciidayo waxaa ka mid ah, degmooyinka Dhuusa Mareeb, Caabudwaaq, Guriceel, Xeraale, tuulooyin hoos taga deegaanadaas iyo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sugidda Amniga, waxaana ciidamada ay baarayeen dadka meelaha fagaaraha tagayay, halkaasoo ay ku dukanayeen Madaxda Ahlusuna.

Inkastoo Dhuusa Mareeb todobaadyo Ahlusuna Wal-jameeca si iskeed ah Madaxweyne uga dhawaaqday Gobollada Dhexe ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir uu dadka kula hadlo meel fagaare ah.

Deegaanada Ahlusuna Wal-jameeca maamusho ee Gobollada Dhexe ayaa inta badan la ciidin ama la soomin deegaanada kale ee Soomaaliya iyo Caalamul Islaam, waxaana khilaafka maalmaha soonka iyo ciidaha uu ahaa dhaqan ay caado u lahaayeen, kaasoo muddo soo jireen u ahaa

COMMENTS