December 2, 2012 | Posted by admin

Muqdisho – Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ka hadashay tiro ka badan 50 ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan oo salka ku haya dhul daaqsimeed iyo ceelal  biyood ayaa u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda oo wada gobolka, Waxaana dagaalka uu ka qarxay tuulada Baalal-Dheere ee duleedka Ceel-Garas, oo qiyaastii 100-km u jirta Dhuusamareeb, xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in waqtiga dagaalo dib uga qarxaan Soomaaliya, isagoo sheegay inaan loo baahnen dhalinyaro dambe oo dagaal beeleed ku geeriyoota.

“Waxaan deg deg u fureynaa gogol nabadeed oo waxgaradka labada beelood isugu keeneyno, waxaan ku baaqeynaa in xabbada la joojiyo si deg deg ah oo shuruud la’aan ah” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in wafdi isugu jira odayaal iyo xildhibaanada deegaanka loo diri doono deegaanka si ay colaada u dhexeysa maleeshiyaadka u kala dhexgalaan, una demiyaan xiisada colaadeed.

“Waxaan ka xunahay dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, anagu wax Alle wixii awoodeena ah sidii dagaaladaasi loojin lahaa inaan ka geysanno ayaan diyaar u nahay” ayuu sii raaciyey wasiirka.

Inkastoo uu dagaalku shalay qarxay ayaa haddana halka tirada dhimashada iyo dhaawaca ay ku dhowdahay 100 ruux.

Dagaalka oo shalay qarxay ayaa soo gaaray illaa xalay fiidkii, waxaana durba dagaalka uu saameyn ku yeeshay tuulooyinka lagu dagaalamay oo dad xoolo dhaqto ahi ay ku noolaayeen kuwaasoo bilaabay inay barakacaan.

COMMENTS