December 2, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi ayaa ku dhawaaqay in 15 bishan December afti loo qaadi doono dastuurka qabyo-qoraalka ah ee dalka Masar.

Hadalkan ayuu ka horsheegay guddiga diyaarinta dastuurka ee u badan Islaamiyiinta kuwaasoo toddobaadkan si deg-deg ah ku ansixiyay dastuurka cusub.

Dastuurka cusub iyo waliba wareegtadii uu Morsi soo saaray ee uu awoodda badan isku siiyay ayaa dhalisay dibadbaxyo badan oo ay dalkaasi ka dhigeen mucaaradka madaxweynaha.

Dhinaca kale, taageerayaasha madaxweynaha ayaa maanta sameeyey dibadbax weyn oo ay ka soo qeybgaleen in kabadan 200kun oo qof oo ay ku taagereen madaxweynaha iyo dastuurka cusub.

Morsi ayaa shacabka Masaarida u sheegay inay afti u qaadaan dastuurka cusub oo ay fikirkooda ku aadan dastuurka u codeeyaan 15-ka bishan.

Dastuurkan ayaa haddii la ansixiyo wuxuu meesha ka saari doonaan dhammaan sharciyadii hay’addaha dowladda oo ay ku jiraan wareegtadii uu 22-kii bishii hore soo saaray madaxweynuhu.

Sidoo kale muddo 60 maalmood gudahood waxaa lagu soo dooran doonaa baarlamaan cusub.

COMMENTS