December 14, 2014 | Posted by admin

thumb (4)
Robert Oakley,oo ahaa safiirkii Mareykanka u joogay soomaaliya sanadkii 1992 ayaa ku geeriyooday Gobolka McLean, Virginia, ee Dalka Mareykanka,waxaana da’diisa ay aheyd 83 Sano.
Diblumaasiga ayaa waxaa la sheegaa in uu kaalin wanaagsan uu kasoo qaatay sii deysmada duuliyihii mareykanka ee gacanta ugu jiray ururkii USC, oo xiligaasi kamid ahaa ururrada Dalka soomaaliya ka dhaq-dhaqaqayay.
Sidoo kale Robert Oakley, waxa uu safiir Dowlada mareykanka uu ugu soo noqday dalka Zaire(Congo) intii u dhexeysay 1979-1982 isagoona sidoo kale safiir kasoo noqday wadanka paskistaan iyo somaliya.
Phyllis Oakley, oo aheyd xaaska Diplomasiga ayaa laga soo xigtay in geeridiisa loo sababeynayo xanuun mudoyinkaan danbe uu la daalaa dhacayay,wixii ka danbeyay markii uu kasoo laabtay dalka Pakistaan,xiligaasoo uu ahaa Kaaliyaha Xoghayaha shaqada ka fariistay ahaana Afhayeenkii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda George Shultz.
Warbixinada la xiriira Oakley ayaa muujinaya in sanadkii 1980 uu ahaa nin siyaasad ahaan kala fur furayay Dagalkii Iraq, sidoo kale waxaa uu si weyn uu uga qeyb qaatay sii deysmadii askartii mareykanka ee ku xirnaaa dalka Lubnaan, iyo hubkii mareykanka ay ku taageereysay islaamiyiinta dalka Afaganistaan iyo in ay dalkaasi ka baxaan Midowgii Soveit-ka,sidoo dhiiragalintii dimuqraadiyadda wadanka Pakistaan maadama wadankaasi mudo badan ay ka talinayeen xukun Milatari,sidoo kalena waxaaa lagu amaanaa nabadii la dhexdhigay dowladaha Bakistaan iyo Hindiya kuwaas oo ay suurto gal aheyd xiligaan in ay hub Nuclear ay isla dhacaan.

COMMENTS
  1. Hi there! I just wanted to ask if you ever have any trouble with hackers?
    My last blog (wordpress) was hacked and I ended up losing
    several weeks of hard work due to no backup. Do you have any methods to prevent hackers?

  2. Try to understand steps. If you register at the same basic game play,
    as high up hungry shark evolution cheats a small fish meals shaker that you are
    able to right. Also, the game moves on these loans, but can’t quite
    be compared to developing any traditional mobile applications like
    free downloadable mobile gmaes, Play Online Flash Games.

  3. This can be a topic that’s close to my heart… Take care! Exactly where are your contact information though?

  4. Great blog post.Really thank you! Fantastic.