August 8, 2017 | Posted by admin

Goobaha codbixinta ee doorashada guud ee waddanka Kenya ayaa la furay, waxaana doorashadan si dhow loo gala socdaa guud ahaan bariga Afrika iyo dunida oo dhan xili ay jirto cabsi laga qabo in natiijada doorashada ay ka dhashaan rabshado.

Ku dhawaad labaatan milyan oo dadka Kenya ayaa isku diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan, wararka haatan nasoo gaarayana waxa ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa ay dadku bilaabeen in ay safaf dhaadheer u galaan goobaha laga codeynayo.

Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin madaxwaynaha iminka xilka haya Uhuru Kenyatta iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Inkasta oo mas’uuliyiintu gudiga doorashada ay xaqiijinayaan in doorashadu si cadaalad ah u dhici doonto hadana Raila Odinga ayaa walaac ka muujiyay shakiga laga qabo hufnaanta hanaanka codbixinta ee electronigada.

Todobaaadkii lasoo dhaafay masuul sare oo ka mid ah madaxda gudiga doorashada ayaa la helay meydkiisa iyada oo aan la faahfaain sababaha dhaliyay dilkiisa.

Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1-dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6-dii arroornimo.

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codayn doonaan 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Si uu musharaxa ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

COMMENTS