May 30, 2017 | Posted by admin

Shiikh Maxamuud Xabash oo ah madaxa
maxkamada Islaamiga ah ee dhulka
Falastiin ayaa soo saaray amar ah in
Lamaanayasha isqaba aysan is furi
karin xiliga lagu jiro bisha barakeysan
ee Ramadanka.
Shiikh ayaa sheegay in sanadihii lasoo
dhaafay uu arkayey Qoysas badan oo ku
burburay hadalo adag oo ay
lamaanayaasha is dhaafsadaan xiliga
Ramadan-ka, arrintaasi oo uu la
xariiriyey in maadaama la soomayo
dadka qaarkiisna gaajo xun qabato halka
kuwo kalena joojiyaan cabitaanka
sigaarka, ay keento hadalo kulul oo la is
dhaafsado oo hadhow keena furiin iyo
ka-shalaay.
Sanadkan ayuu sheegay in
Maxkamadaha reer Falastiin la farayo in
aan la fasixin furiinka deg dega ah,
isagoo sheegay in aan waxna laga soo
qaadi doonin go’aanada deg dega ah ee
guurka lagu burburiyo xiliga lagu jiro
bisha barakeysan ee Ramadan-ka.

COMMENTS