July 27, 2014 | Posted by admin

Iskahorimaadyo ayaa xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kuwaas oo u dhexeeyay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo Al-shabaab.

Xoogagga Al-shabaab ayaa weeraray saldhiyo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen xaafadaha ka tirsan degmooyinka, iyadoo weerarkii ugu xoogga badnaa uu ka dhacay isgoyska SOS ee degmada Huriwaa.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda SOS ayaa sheegay inay arkeen maydadka laba qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaallo kale oo ka dhacay Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Huriwaa.

Sidoo kale, xoogag Al-shabaab ka tirsan ayaa weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen degmada Yaaqshiid, iyadoo taliyaha saldhigga degmada Yaaqshiid uu sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo dagaalkii xalay uu geystay.

Weerarradan lagu qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ee degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee bisha Ramadaan, iyadoo aanay jirin cid loo qabtay weeraradii xalay.

Dhanka kale, saaka ayaa waxaa howlgallo ay ka socdaan xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaasoo saraakiisha dowladdu ay ku sheegeen inay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka Muqdisho.

Howlgalladan oo ka socda xaafadaha Say-biyoono iyo kuwo ku dhow-dhow iyadoo uu xiran yahay jidkaas, waxaana howlgalladan ay imaanayaan iyadoo dhawaan lagu dilay xaafaddaas laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa xoojisay weerarrada ay Muqdisho ka geysanayaan bishan Ramadaan oo gabo-gabo ah, waxaana tan iyo markii ay bishan billaabatay ay Muqdisho ku dileen 71-qof oo isugu jiray, askar, mas’uuliyiinta dowladda ka tirsan, rayid iyo xildhibaanno.

– See more at: //hiiraan.com/news/2014/July/wararka_maanta27-47603.htm#sthash.NEm8muS8.dpuf

COMMENTS