April 11, 2014 | Posted by admin

Ceel-buur-Isku dhacyo khasaaro nafeed sababay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,waxaana la sheegay dagaallada inay dhexmareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dagaalka oo dhacay xilli danbe oo xalay ah,waxaa la sheegay inuu socday muddo saacado ah,waxaana la sheegay inay ku dhinteen ku dhawaad 11-ruux oo dhinacyadi dagaallantay ah,halka sidoo kale dadka dhintay la sheegay inay ku jireen dad rayid ah.

Dadka deegaanka ayaa Raxanreeb u sheegay dagaallada xooggodu inay ka dhaceen deegaanno ku dhow degmada Ceel-buur,halkas oo ay sheegen inay ka maqlayeen dhawaqa madaafihda iyo hubka cul culus oo la isweydarsanayey.

Ciidamo ka tirsan xoogga Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerarkan soo qaaden,waxaana dagaalka uu ka bilowdey markii ay weeren Al-shabaabku gaadid ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay afhyeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-muscab waxaa uu ku sheegay inay dagaalka ka gaaren hadafkii ay ka lahaayeen oo ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.

Warka ka soo baxay afhayeenka Al-shabaab waxaa beeniyey sargaal ka tirsa ciidanka dowladda kaaso sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dagaalladan xalay dhacay waxaa lugu sheegay inay ahaayn kuwi ugu xooggana ee dhawaanahan ka dhaca gobolka Galgaduud.

COMMENTS