April 13, 2014 | Posted by admin

Dad goobjoogayaal ah ayaa idaacadda VOA u sheegay in maleeshiyada al-Shabab ay hubka darandoorriga u dhaca iyo baasuukayala ku weerareen kolonyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya oo la sheegay inay kusii jeedeen magaalada Waajid.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka dhacay Axadda maanta oo buuxa. Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa VOA u sheegay inuu jiro kahasaare soo gaadhay labada dhinac.

Maxamed Cabdi Tool waxa uu sheegay inay ururka aal-Shabab ka dileen maleeshiyo ka badan 20, dhinaca kalena waxa uu sheegay inay soo gudbin doonaan tiro-kob rasmi ah khasaaraha soo gaadhay dhinaca ciidanka huwanta.

COMMENTS