August 28, 2014 | Posted by admin

Ugu yaraan 20 ruux oo isugu jiray ciidamadii saaka ku dagaalamay tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay 30-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saaka ka dhaacay deegaankan oo 75-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka laga helayo deegaanka Saax-dheer ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii Khaatumo iyo wafuud kala duwan oo halkaas u tagay ka qaybgalka caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Khaatumo, Cali Khaliif Galeydh ayaa markii uu dagaalku billowday u tallaabay dhinaca dalka Itoobiya oo ku dhow tuulada.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in dagaalka lagu qabtay xildhibaan tirsan golaha baarlamaanka Khaatumo oo lagu magacaabo, Maxamuud Cabdi Yaasiin iyo sagaal ruux oo kale oo badankoodu shacab yihiin.

“Maydadku weli waxay daadsan yihiin daafaha iyo gudaha deegaanka,” ayay u sheegeen HOL dad ku sugan tuulada Saaxdheer oo intaas ku daray in ciidamadii Somaliland ee saaka la wareegay deegankaas ay dib uga baxeen, iyagoo ku sugan daafaha magaalada.

Madaxweynihii maamulka Khaatumo ee la doonayay in la caleemo-saaro ayaa haatan ku sugan deegaanno ka tirsan Itoobiya, iyadoo ciidamada Somaliland ay ku ekaadeen gudaha deegaankaas oo la filayay in munaasabadda caleemo-saarka ay ka dhacdo.

Taliyaha ciidamada Somaliland, Jen. Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in sababta ay saaka u weerareen tuulada Saax-dheer ay tahay iyadoo shalay la keenay hub iyo ciidammo laga soo daabulay Muqdisho iyo Kismaayo.

Maamulka Khaatumo, balse waxaa deegaannada maamulka Khaatumo ka taagan xiisado la xiriira dagaalkii ka dhacay Saax-dheer, iyadoo deegaanka ay isaga baxeen ciidamadii ka tirsanaa kuwa maamulka Khaatumo ee la dagaalamay kuwa Somaliland.

– See more at: //hiiraan.com/news/2014/Aug/wararka_maanta28-48067.htm#sthash.MbzBEptu.dpuf

COMMENTS