September 15, 2014 | Posted by admin

13917B24-9A8F-4CA5-91A1-4AE2742C60D5_w640_r1_s_cx0_cy8_cw93
Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka Bariga dhexe iyo kuwo kaleba ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dagaalka lala galayo kooxda Daacish ee ka dagaalanta Syria iyo Iraq.

Kerry ayaa u sheegay warbaahinta dalka Maraykanka gaar ahaan Tilifishanka CBS, in dalalkaasi ay diyaar u yihiin in ay dagaal miltari oo dhinaca dhulka ah la galaan ururka, arrintaasi oo taageeri doonta duqaynta dhinaca cirka ah ee ay diyaaradaha Maraykanku fulinayaan.

Xoghayaha oo ka soo laabtay socdaal uu ku tagay Bariga Dhexe ayaa sheegay inay sii badanayaan dalalka diyaarka ah u ah inay ciidamo u diraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Kerry ayaa sheegay in ololaha ka dhanka ah ururkaasi ay qayb uu qayb ka noqon doono dadaal dhinaca gargaarka ah iyo la dagaalanka fikirka khaldan ee ay kooxdaasi ka bixinayaan islaamka saxda ah.

COMMENTS