January 23, 2013 | Posted by admin

Dagaal xooggan ayaa ciidamada maamullada Somaliland iyo Khaatumo ku dhexmaray shalay gellinkii dambe Bariga deegaanka Xudun oo 83-km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa waxay sheegayaan inaan laga war-hayn khasaaraha soo kala gaaray labada ciidan, inkastoo mas’uliyiin u kala hadlay labada dhinac ay ka sheegayaan guulo ay ka gaareen dagaalka.

Jaamac Cabdullaahi Diiriye oo ka mid ah dadka deggen tuulada Gorofley oo la hadlayay HOL ayaa sheegay in ruux rayid ah uu ku dhintay meel ku dhow deegaankaas, isagoo intaas raaciyay inay jiraan dad ay ciidamada Somaliland ka qab-qabteen tuulada Gorofley.

Taliyaha ciidamada Somaliland ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inay ka qabteen Khaatumo 10-maxbuus, isagoo aan sheegin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, halka mas’uul u hadlay maamulka Khaatumo uu sheegay in dhankooda uu kaga dhaawacmay hal askari, balse ay iyagu maxaabiis ka qabteen Soomaliland, sidoo kalena ay askar badan ka dileen. Wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay saddex qof oo rayid ah dileen kuwo kalena ay maxaabiis ahaan u qabsadeen.

Dagaaladda maamulladan ayaa ah mid la xiriirra dhinaca siyaasadda iyadoo maamulka Somaliland uu doonayo inuu gacanta ku dhigo deegaankii 60-kii ka hor la oran jiray Somaliland inta aan la gaarin wada xaajoodka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, halka maamulka Khaatumo uu doonayo inaan la kala jarin dhulka Soomaalida; iyadoo dhinac walba uu dadaal ugu jiro sidii uu ku gaari lahaa hadafkiisa.

Laga soo billaabo bishii November ee sannadkii hore waxaa soo xoogaytay dagaallada u dhexeeya labada dhinac, kaddib markii maamulka Somaliland uu ciidammo xoog badan geeyay Xudun si ay uga dhacaan doorashooyinkii golaha deegaanka uga dhacaan Xudun, laakiinse Khaatumo ayaa diidday arrintaas, taasoo uu ka dhashay iskahorimaad khasaare geystay.

Sannadkan bilowgiisii dagaallada ka dhacay deegaannadan waxay ahaayeen kuwo joogto ah, iyagoo intooda badn ay ahaayeen duullaano habeennimo oo labada ciidan dexmari jiray xilliyada habenkii ah.

Illaa hadda ma jiraan isku-dayo ka imaanaya labada dhinac si dagaalkaas loo joojiyo, lagamana yaabo in labada dhinac ay is-faham siyaasadeed isugu yimaadaan; taasoo dhibaato aad u daran ku haysa dadka reer guuraaga ah ee ku nool deegaannada lagu dagaalamayo.

HOL/DUHUR

COMMENTS
  1. siyaad said:

    hub aad ubadan oo maanta kasoo dagay madaarka caalaniga ah ee sayid maxamed cabdile xasan waa hub aad u culus waxaana kayimaadeen wadanka qatar waxii faahfaahina kala xidhiidh khaatumo .com

  2. siyaad said:

    maanta oy bishu tahay 23 01 2013 waxa uu dagaal kadhacay magaalada xudun oo ay iskaga hor yimaadeen mujahidiinta ciidamada khaatumo iyo ciidamada iidoorka waxaase maanta nasiib daro u ah ciidamada sheeganay somaliland in ay iska celin kari waayeen dhulbahante kuwaasi mijay hor istaagi karaan daarad hadii uu soo dhaqaaqo jawaabtu waa maya markaa waxaanu leenahay in ay wada noolaato somalidu waxay dan ugujirtaa iidoorland guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul khaatumo