June 22, 2017 | Posted by admin

Dagaal udhaxeeyay Ciidamada kawada Tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacay Qaybo ka mid ah Gobalka Sh/dhaxe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay , in Labada dhinac ay rasaas culus isku adeegsadeen, waxaana halkaasi ku dhintey Hal askari oo ka tirsanaa maamulka degmada Warsheekh, iyadoo dhaawacna uu jiro, balse lama oga dhaawaca inta uu la eeg yahay.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu daba socdo muran habeenkii xalay ahaa soo kala dhexgalay Labada dhinac, kadib markii ay isku qabsadeen arrimo la xiriira Kontaroolka laga soo galo degmadaasi.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga ay kahor yimaadeen Isbaaro la dhigay meel ku dhaw degmada Warsheekh, halkaasi oo la doonaayo in gaadiidka lacag looga qaado.

Taliyaha ciidamada Militariga ee ku sugan Warsheekh Taliye Qoondhe ayaa si kooban ugu sheegay in la weeraray ciidankiisa, balse wixii faah faahin ah uu dib ka bixin doono.

Maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].
COMMENTS