September 24, 2016 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee goabalka Shabeellada dhexe, ayaa sheegaya in iska-horimaad dhax-maray ciidammo kawada tirsan dowladda Somalia.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in ay  ku dhinteen Labo Askari oo ka wada tirsan dhinacyadii dagaalamay waxaana ku dhaawacmay dad rayid ah oo halkaasi ka agdhawaa.

Dad ku sugan Magaalada Jowhar ayaa sheegay in iska-horimaadka uu ka dhacay xaafada Kulmis islamarkaana uu ka dhashay kaddib markii ciidan boolis ah oo ku raad joogay rag Muqaadaraadka ka Ganacsada kala shaki uu soo kala Dhax-galay Askar kale oo ka Tirsanaa isla ciidammada Dowladda Federaalka Somalia, taasoo keentay in ay is rasaaseyn labada dhinac.

Dadka dhaawacyadu soo gaaray oo la gaarsiiyay isbitaalka degmada Jowhar ayaa la sheegay inay ku jiraan ilmo yar iyo haween.

Sidoo kale, Wararku waxay Sheegayaan in Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Sh/dhexe ayaa gaareen xaafadda uu dagaalka ka dhacay.

Magaalada jowhar ee gobalka shabeelaha dhaxe waxaa ka soconaya shirka maamul usameenta hiiraan iyo shabeelaha dhaxe oo hada maraya meelihii ugu Saraysay.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS