December 9, 2012 | Posted by admin

Wararka ka’imaanaya magaalada Baar-dheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya In halkaas uu saacadihii ugu danbeeyay dagaal ku dhexmaray Ciidamada doowlada iyo kuwa Al-shabaab.

Mid kamid ah masuuliyiinta doowlada ee halkaas ku sugan ayaa Press Tv, u sheegay ineey dileen 27 kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab, 40 kalena ay ka dhaawaceen.

Dhinaca kale goob-joogayal ayaa sheegaya in 5 kamid ah Ciidamada dowlada ay dhinteen 7 kalena uu dhaawac soo gaaray kadib markii baabuur ay saarnaayeen lakacday miino wadada dhinaceeda lagu aasay meel banaanka ka ah magaalada Baar-dheere.

Dagaalkan ugu danbeeyay ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xooganaay ee labada dhinac ku dhexmara halkaas, tan iyo markii ay Ciidamada doowlada Al-shabaab kala wareegen magaaladaas.

Dowlada Soomaaliya oo garab milatari kaheleeysa Ciidamada AMISOM ayaa 5tii sano ee ugu danbeeysay waxay dagaalo xoogan kula jirteen Al-shabaab, Soomaaliya malahayn xukuumad dhexe oo waxtar leh tan iyo 1991-dii markii xukunka laga tuuray kaligii taliyihii xukumayay dalka Soomaaliya.

COMMENTS