Dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna iyo garab kale oo ka tirsan ciidanka Ahlu Sunna ayaa maanta mar kale ka billowday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, warbaahinta gobolka Galgaduud ayaana ku soo waramaya in dagaalka uu saameeyay degmada, uuna hakad ku yimid dhaq dhaqaayadii ganacsiga, waxbarashada iyo isu socodka dadka.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta la hadlay Bar-kulan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya degmada inay joojiyaan xabadda iyo dhiiga dadka walaalaha ee ku daadanayo degmada,isagoo u jeediyay in la ixtiraamo nabadda iyo dadaallada ay wadaan waxgaradka gobolka iyo guddiga dhex dhexaadinta.
Qeybdiid ayaa tilmaamay inay socdaan dadaallo nabadeed oolagu doonayo in lagu joojiyo colaadda.
Labo mar oo hore oo ay dhinacyadan ku dagaallameen Guriceel, waxaa ku dhintay 24 qof, intaas ka badanna wey ku dhaawacantay, waxaana ka dhashay barakac.
Guddiga dib-u-heshiisiinta dagaallada ka dhacay deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa 16-kii bishan sheegay in dhinacyadii uu u dhexeeyey dagaalka ay ballan-qaadeen inay dhaqan-gelinayaan xabbad-joojinta loo jeediyay, balse waxey u muuqataa inaysan hirgalin.