June 26, 2015 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya deegaanka Leego ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka weerar lagu qaaday xarun ciidamada AMISIM ay deggan yihiin.

150621100530_somalia_512x288_bbc
Wararka ayaa tilmaamaya in marka hore weerarka uu ku bilowday gaari uu saarnaa qof is qarxiyay kaas oo illinka laga galo xerada ku qarxay.
Waxaa markaasi kaddib meesha ka bilowday dagaal culus. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaas aad u xoogbadan ay maqlayaan.
Illaa iyo hadda ayaa la sheegayaa in dagaalka uu socdo. Wixii warar ah eek u soo kordha waan idiinla socodsiindoonnaa.

COMMENTS