November 28, 2012 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in goor dhowayd dagaal xooggan uu ka qarxay degmada Xuddun oo 83 km u jirta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka.

Dagaalka ayaa ka socda labo goobood oo kala ah Cadweyn oo koonfur bari kaga beegan magaalada iyo Gobley oo 5 km dhinaca bari kaga beegan magaalada, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay weriye madax-bannaan oo ku sugan halkaas.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo oo in dhowaaleba isku hor fadhiyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddun.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagalka u dhaxeeya labada maamul.

Codaynta doorashada golaha deegaanka ee Somaliland oo saaka lagu waday inay ka billaabato magaalada Xuddun ayaa baaqatay iyadoo salaaddiin iyo odayaal ku sugan degmadaasi ay shalay si adag uga digeen inay doorashada ka dhacdo deegaankooda.

Salaaddiinta oo kulan ku yeeshay magaalada Xuddun ayaa uga digay maamulka Somaliland inuu sanaadiiqda doorashada keeno magaalada, waxayna sheegeen inay taasi horseedi karto dhibaato halkaasi ka dhacda.

Doorashada golayaasha deegaanka ee maamulka Somaliland ayaa lagu wady inay maanta oo Arbaco ah ka dhacdo degmada Xuddun.

COMMENTS