January 9, 2018 | Posted by admin

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku geeriyootay iska horimaad ka dhacay Magaalada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Iska horimaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka wada tirsan Militariga Sooma aliya ay ku dagaalameen lacag laga qaaday ganacsatada qaadka gaysa Magaaladaasi.

Ciidanka ayaa ku heshiin waayay qaabka ay u qaybsanayaan lacagta laga qaaday ganacsatada qaadka, waxaana taasi ay keentay in ciidamada dhexdooda ay dagaalamaan.

COMMENTS