January 23, 2017 | Posted by admin

640x368xshabaab_mahaday_4.jpg.pagespeed.ic.rqHKMGDfXa

Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegaya in dagaal culus oo udhaxeeya alshabaab iyo ciidamada dowlada soomaaliya uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada labada dhinac.

Labo qof ayaa ku dhimatay  dagaalka sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamada dowladda iyo AMISIOM oo is garabsanaya ay weerar ku qaadeen xero Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo Ceel Baraf.

Deegaanka lagu dagaalamay ee Ceel Baraf ayaa 45km galbeed uga beegan degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Ugu danbeyntii, ciidamada dowladda iyo kuwa AMSOM ayaa dib ugu soo laabtay fariisimihii ay markii hore ka duuleen.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS