February 17, 2013 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay fiidkii uu dagaal ka dhacay tuulada Xagareey oo ka tirsan degmada Cadale.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Duhur.com u sheegay inuu dagaalka u dhaxeeyay shacabka ku dhaqan deegaanka iyo maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo weerarka soo qaadday.

Hal qof ayaa ku dhintay dagaalka, lix kalena waa ay ku dhaawacantay, kuwaasoo dhammaantood ka tirsan dadka deegaanka.

Wararka waxay intaas ku darayaan in dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay iska caabbiyaan weerarka ugaga yimid maleeshiyada al-Shabaab.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

COMMENTS