June 18, 2017 | Posted by admin

Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen saldhiga ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin Halkaasi.

Sida Wararka lagu Helayo Dagaal xooggan ayaa labada dhinac dhex-maray, kaas oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Isgaarsiinta magaalada ayaa Hawada Ka baxday Dagaalka ka dib Taas oo Cabsi kale sii abuurtay. waxaana si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday saldhigyada ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha iyo duleedka Buulo Burde, inta badan.

Degmada Buulo Burde ayaa tan iyo sanadkii 2014, markii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti, waxay ku jirtay go’doon, iyadoo sahayda lagu gaarsiinayay diyaarado.

Maxamed daacad Muqdisho.

Galcad44@gmail.com.

COMMENTS