December 2, 2012 | Posted by admin

Dagaal beeleed dad badani ku geeriyoodeen ayaa shalay ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhexmaray maleeshiyo beeleed kasoo jeeda maamulka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado iyo iyo deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud, wuxuuna geystay khasaare laxaad leh.

Ilaa 17 qof ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen dagaalka, 30 kalana ay ku dhawacmeen, kaasoo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Baaldheere oo ka tirsan deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud.

Wararka ka imaanayan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalku ka qarxay muran ka dhashay daaqsinin iyo ceelal biyood inkastoo labada beelood xurguf hore u dhexaysey.

Cumar Maxamed Diiriye Madaxa arrimaha bulshada maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay dagaalka loo kala qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaannada Ceel-garas iyo Cadaado oo labada kooxood ee dagaallamay ay ka soo kala jeedaan.

Madaxa arimaha bulshada sido kale wuxuu sheegay inay qorsheynayaan sidii ay ku kala dhex gali lahaayeen beelaha dagaallamaya.

Dhinaca Alshabaabka Galgaduud ayaa sheegay iney bilaabeen dadaal ay ku dhexdhexaadinayaan beelaha halkaas ku dagaallamay, sida uu sheegay Sheekh Xasan Yacqbuub oo ah Waaliga Alshabaab ee gobolka Galguduud.

“Wilaayadu durbaba waxay u istaagtay hakinta dagaal beeleedka walaalaha ku dhaxmaray Miiraanyo iyo Baaldheere Insha’allaahu waan ku guuleysan doonaa joojinta dhiigga walaalah” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo la hadlay warbaahinta Alshabaab.

Waaliga Alshabaab ee Galgaduud Sheekh Yacquub ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka labada beelood in ay maleeshiyaadka colaadda abuuraya gacmaha qabtaan si colaadda loo joojiyo.

Waxaa dhanka kale socda dadaallo ay wadaan odayaasha ay kasoo kala jeedaan labada beelood ee halkaas ku dagaallamay.

Wararka saaka ka imaanaya halkaas ayaa sheegaya in xaaladuu degantahay, inkastoo mararka qaar la maqlayo rasaas la ridayo.

COMMENTS