June 15, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Degmada Maxaas Ee Gobalka Hiiraan ayaa Sheegaya in uu Dib u qarxay dagaal beelood mudooyinkii la soo dhaafay ka dhacaayay deegaanka baanyaaley oo Ku yaala xadka Galgaduud iyo Hiiraan.

Dagaalka ayaa Halkaasi ka dhacay waxaana jira dhimasho iyo dhaawac sida ay xaqiijiyeen Goob joogayaal halkaasi Ku sugan oo Warbaahinta la hadlay.

Beelaha dagaalamaya ayaa isku heesta dhul daaq simeed Ku yaala gooba ka ag dhaw  Degmada Maxaas ee Gobalka hiiraan,

ilaa hadana ma jirto cid kala dhax gashay dhinacyada Halkaa ku dagaalamaya.

Shalay ayaa deegakaas waxaa Ku baxay odayaal ka soo kala jeeda labada dhinac oo ka kala tagay beledweyne iyo dhuusa-mareeb walina kuma aysan  guuleysan xalinta dagaalkaasi Halkaasi ku soo laa laabta.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS