July 21, 2017 | Posted by admin

Dagaal laba beelood ku dhex maray degmada
Ceel Af-weyn oo ka tirsan gobolka Sanaag ee
Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday
madaxbannaanida ee Somaliland ayey dad ku
dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.
Sida  uu xaqiijiyey gudoomiyaha
gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falaay, dagaal
beeleedkani waa mid mar kale ka soo
cusboonaaday shalay oo ilaa fiidkii xalay
khamiistii ka socday waxaana ku dhintay lix qof
sideed iyo toban kalena ku dhaawacmeen.
Labada beelood oo wada dega degmada ceel
afweyn ayaa hore ugu dagaallamay dhul ay isku
hayaan dabayaaqadii sannadkii hore. Dagaalkani
wuxu salka ku hayaa dhul daaqsimeed ay isku
hayaan labada beelood.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Yaasiin
Maxamuud Xiir Fartoon, ayaa isna BBC-da u
sheegay in xukuumaddu amartay ciidamada
Somaliland inay khasab ku joojiyaan dagaalkaasi
oo u gurmadaan.
Labadan beelood ee diriraya ayaa dabayaaqadii
sannadkii hore la heshiisiiyey, hase ahaatee waxa
wararka qaar sheegayaa in waxyaabaha dagaalkan
hadda dhaliyey ay ka mid yihiin labada dhinac
midkood oo aan sidii lagu heshiiyey u fulinin
shuruudaha heshiiskii hore oo ay ka mid ahaayeen
in magta dadkii dhintay lagu kala qaato wakhti
cayiman soo sida muuqata haatan muddo
dhaafay.

Xigasho BBC.

COMMENTS