March 18, 2017 | Posted by admin

Dad kor u dhaafaya Soddon qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen.

Goob joogayaal ku sugan dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo caruur, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay isbitaallada magaalada.

Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.

Dagaal sokeeye ayaa ka jiray dalka Yemen tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii, waxaana QM ay walaac ka muujisay dhowaan macluul daran oo ku soo wajahan wadankaas.

Dayuurada helicopterka ah ee duqeynta geysatay ayaa waxaa la aaminsan yahay iney leeyihiin isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo oo dagaal adag kula jira kooxda shiicada xuuthiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto.

HODEIDAH, MAR 17 — Yemeni police officers check the bodies of Somali refugees, killed in attack by a helicopter while travelling in a vessel off Yemen, at the Red Sea port of Hodeidah, Yemen March 17, 2017. REUTERS-12R

COMMENTS