February 25, 2017 | Posted by admin

Ilaa 6 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dagaal beeleed ka dhacay Degmada Cadale ee Gobalka shabeelada dhaxe sida aan wararka ku helnay.

Dadka dhintay ayaa ahaa dhinacyadii Halkaasi ku dagaalamay waxaana ku dhaawacmay Dad intaa ka sii badan.

Dagaalkan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Bur-dheere iyo Caddow Uul ayaa waxaa ku dhintay ilaa lix ruux, halka tiro kale ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii shalay uu salka ku hayay dil todobaad ka hor ka dhacay tuulooyin ku dhow degmada Cadale, waxaana dilkaas uu sabab u noqday dagaal mar kale ka dhex qarxa labo beelood oo dega Tuulooyinka Bur-dheer iyo Caddow Uul.

Beelaha Cabdalla Caroone iyo Celi Cumar ee dega deegaano ka tirsan degmooyinka Cadale iyo Warshiikh ayaa waxaa horay u dhex maray colaad soo jireen aheyd oo tii ugu darneyd dhacday sanadihii 90-meeyadii, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 50-meeyo ruux.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS