October 16, 2017 | Posted by admin

Saakay waxaa la qaadaya dhaawacyada dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxii maalin ka hor ka dhacay Muqdisho, Gaar ahaan Isgooska Zoobe ee Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho  waxaa ku sugan Ra’isul wasaraha Soomaaliya wasiirka caafimaadka dowladda turkiga iyo wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaaliya.
Dhaawacyada ayaa hadda lagu daabulaya diyaarad milatari uu turkiga u soo diray Soomaaliya, Waxaana la qaadayaa Dad qaba dhaawacyada Cul culus.

Dowlada Turkiga ayaa Ah dowladii ugu Horaysay oo Gurmad Deg Deg ah Usoo Fidisay Dadkii Shacabka ahaa ee ku wax yeeloobay Qaraxii Ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

COMMENTS