July 26, 2016 | Posted by daacad yare

Ciidamada Booliiska gaar ah ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa Al-Shabaab ka soo bad baadiyay ku dhawaad 20-qof oo ay u heysteen Madaxfurasho Lacageed.

Dadkaan ayaa waxaa lagu soo bad baadiyay Howlgal ciidankaan ay ka sameeyeen deegaanka Shanqoolow oo u dhaxeeya degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan gobalada Baay iyo Gedo.

Wasiirka Hub ka dhista Maleeshiyaadka iyo Tababarada ciidanka Xasan Xuseen ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in dadkaan ay ku xirnaayeen Saldhig ay leeyihiin alshabaab.

Dadka ay soo badbaadiyeen ciidanka ayaa waxaa ka mid ah dad Ganacsato ah  iyo waliba shaqsiyaad kale.

Dadka laga soo bad baadiyay Shabaab ayaa soo dhaweeyay talaabada ciidanka Booliska Gaar ah ee maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo mudooyinkaan waday howlgalo ka dhan ah alshabaab.

COMMENTS