August 19, 2015 | Posted by admin

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in koox looga shakiyay inay Boko Xaram ahaayeen ay weerareen deegaan ku yaalla dhanka Waqooti-Bari ee Nigeria.

Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kukuwa oo ka tirsan gobolka Yobe.

Weerarka waxa uu dhacay Khamiistii la soo dhaafay, laakiin faafaahinta ayaa hadda la helayaa.

Dadka dhintay waxaa la dilay xilli ay isku deyayeen inay ka baxsadaan rasaasta ay ridayeen kooxdan hubeysneyd.

Sharaxaadda weerarka waxaa laga helay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday.

Weriyaha BBC-da ee Nigeria waxa uu sheegayaa in shan maalin ay qaadatay in warka weerarkaasi la helo, taas oo muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay amni xumada gobolka Yobe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay rag hubeysan oo Boko Xaraam oo saran mootooyin iyo gawaari ay weerareen tuulada Yadin Kukuwa.

COMMENTS