June 18, 2017 | Posted by admin

Dab aad u xooggaan ayaa ka kacay gobolka Pedrógão Grande ee bartamaha dalka Burtiqiiska. Ugu yaraan 39 qof ayaa ku geeriyoodey dabka kaymaha ka kacay sida ay werineyso wakaaladda wararka ee AFP. Tirada dhimashada ayaa dhici karta in ay kor u kacdo. Toban qof oo si ba’an u dhaawacmey ayaa la geeyey goob caafimaad.

Raysalwasaaraha Burtiqiiska Antonio Costa ayaa sheegay in tani tahay murugo iyo naxdintii u weyneyd ee muddooyinkan la arko.

Xaaladda dabka ayaan ahayn mid gacan lagu hayo waana uu sii fidayaa.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Burtiqiiska Jorge Gomes ayaa sheegay in dadka badankood ee dabku diley ay ku dhex jireen gawaaridooda, waxaana dabku ku helay waddada isku xirta Figueiró dos Vinhos iyo Castanheira de Pera.

Dabka ayaa bilowdey gelinkii danbe ee Sabtida, waxaa la dagaalamaya dabka shaqaale ka badan 600 oo qof waxaa sidoo kale goobta loo direy 160 gaari oo ah kuwa dabka bakhtiiya.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

 

COMMENTS