Lafoole: (Duhur) Barakacayaasha iyo naafada deegaanada loo barakacay ayaa ku baaqay in raashinka gar gaar ahaanta loo soo gaarsiiyo aan loo gacan galin Ururka Xisbul Islaaam xili dhawaan saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam ay amar ku bixiyeen in la soo marsiiyo raashinka dadka barakacayaasha.
Qoysaska Barakacayaasha ah iyo Naafada ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo qaarkood wareysi siiyay Idaacada Shabelle ayaa waxaa ay ka codsadeen hay’adaha gargaarka bixiya in deeqaha loo wado aan loo gacan galin Maamulka Xisbul Islaam ee ka taliya deegaanada Ceelasha biyaha iyo Lafoole.
Qoysaskaani ayaa ka codsaday Maamulka Xisbul Islaam in ay ishortaag ku sameynin raashinka loogu talagalay qoysaska Barakacayaasha ah sida uu ka dhawaajiyay xili uu Shabelle la hadlayay Salaad Xasan Max’ed oo ka mid ah Naafada ku nool deegaanka ceelasha biyaha.
Waxaa uu intaasi ku daray Salaad Xasan in deeq gaareysa 240 loor oo galley ah meel loogu qeybinayay dad barakacayaal ah inay maanta soo gaareen Ciidamada Xisbul Islaam kuwaasi oo dadku ay su’aalo badan iska weydiiyeen sababta keentay in halkaasi ay tagaan walow saraakiil horkaceysay ay sheegeen inay ciidamadaasi amaanka sugayaan.
Codsigaani ka soo yeeray qoysaskaani Barakacayaasha iyo naafada ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa imaaneysa xili Maalin ka hor Maamulk Xisbul Islaam ee deegaanka Lagoole uu amar ku siiyay horjoogayaasha Kaamamka dadka barakacay in raashinka Mucaawinada ah ay soo marsiiyeen ka hor inta aan loo qeybin dadka barakacayaasha.

All Posts










