October 22, 2014 | Posted by admin

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa ku dhawaaqday waqtiga sida rasmiga ah loo billaabi doono dhageysiga dacwadda ku aaddan muranka soodhinta badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha maxkamadda Peter Tomka ayaa sheegay in 13 July 2015 ay tahay waqtiga kama dambeysta ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya laga doonayo inay soo gudbiyaan doodahooda ku saabsan lahaanshaha dhul badeedka la isku haysto, oo la xaqiijiyey in laga helay lix ceel oo shidaal ah.

Peter wuxuu sheegay in labada dowladood laga doonayo in ay buuxiyaan dhammaan faylasha muhiimka u ah dacwadda inta u dhaxeysa 13-ka July 2015 ilaa 27-ka May 2016, iyadoo waqtigaas wixii ka dambeeya la billaabi doono dhageysiga dacwadda.

Go’aanka uu madaxweynaha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ku dhawaaqay in waqtiga dacwadda, ayaa muujineysa in dowladda Kenya ay ku guul darreysatay isku day ay ku dooneysay in ay ku hor-istaagto in maxkamadda ay dhageysato dacwadda.

Dowladda Kenya ayaa dooneysay in ay si sharci darro ah ula wareegto dhul badeed dhan 100,00 km oo isku wareeg ah, iyadoo la xaqiijiyey in khayraadka ku jira dhul badeedkaas ay ku ku jiraan kalluun aad iyo aad u fara badan, macdan noocyo kale duwan leh, shidaal iyo gaas.

Kenya ayaa dooneysa in la baddalo xarriiqda qaabka caalamiga ah loo isticmaalo marka ay timaaddo xudduudaha badaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed ayaa dhowaan sheegay in shirkado shidaal iyo macdan kale baaraya oo reer galbeed ah ay si sharci darro ah howlo baaritaan ah uga wadaan dhul badeedka Soomaalida leedahay ee ay dowladda Kenya sheeganeyso.

Kenya ayaa si weyn uga carootay go’aanka ay dowladda Soomaaliya dacwadda u hor-geysay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, iyadoo Soomaaliyana ay sheegtay in Kenya ay caqabad ku noqotay isku day kasta oo diblumaasiyadeed oo arrinkaan lagu xallinayo.

COMMENTS
  1. more said:

    I simply want to mention I am just all new to blogging and absolutely loved this web blog. Very likely I’m likely to bookmark your site . You amazingly come with very good articles. With thanks for revealing your web-site.