December 25, 2012 | Posted by admin

Wararka Naga soo Gaaraya Magaala Xeebedka Hobyo ayaa Sheegaya in gordhow ay Halkaasi ku dhufteen Dabaylo Xoogan oo Sababay Qasaaro Naf iyo Maal isugu Jira waxaana Wararku intaa Ku Darayaan in Magaalada ay Baddu U soo dhawaatay Isla Markaana ay Dadkii Isaga Baxayaan.

Mar aan la xiriirnay Dadka deegan ayay noo sheegen in ay Magaaladu kacsantahay ayna jiraan dabaylo iyo roobab ay wataan in ay Gabi ahaanba Xeebta iyo Deegaanada ku Xeeran ka Socdaan,wallow uu Qadka Telfanku Aad u adagyahay hadana Qar ka mida Dadka Deegan oo Markii Ugu denbeysay aan la xaririirnay iyagoo ku Sugan Degmadda Hobyo ayay noo xaqiijiyay in ay Jiraan Qasaare Isugu Jira Dhimasho Nafeed iyo Qasaare Maal hadana waxaa go,ay Isgaarsintii.

Dabaylahan ayaa ku Bilowday inta Badan deegaan Xeebeedyadda Gobolada Mudug iyo Nugaal waxaa Sidoo kale Dabaylo Xoogan ku dhufteen Degmadda Garacad Balse nooma Suura galin in aan la xariirno sabab Xaga qadka Telfonka oo Go,an.

COMMENTS