September 26, 2016 | Posted by admin

Maxkamadda Sare ee soomaaliland  ayaa soo saartey afar qodob oo lagu xalinaayo khilaafka udhaxeeyay Mudo xisbiga Ucid ee soomaaliland waxa ayna soo saaray Qodobadaan Hoos ku qoran.

  1. Xisbiga UCID uu ku qabsaddo shir-weyne aan caadi ahayn muddo 60 Cisho gudahood ah,kana bilaabmaysa maanta, waxaana ergadda Shir-weynaha loo raacayaa Xeerka Xisbigga ee ay labada garab isla gaadheen 2012-kii
  2. Waxay Maxkamadda sheegtay in guddigga qaban-qaabadda shir-weynaha oo ka kooban Tobban Xubnood ay labadda dhinac kala qaadanayaan, isla-markaasna uu marjicoodu noqonayo Hogaanka sare ee Xisbigga.
  3. Waxay Maxkamaddu caddeysay in Heshiiska ay wada-galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen uu ansax noqonaayo uun marka uu qabsoomo shirweynaha Xisbiggu.
  4. Waxa kale oo ay Maxkamaddu burisay qodobo ku jiray go’aamaddii Guddigga Ururadda Siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qarranka.

Labada dhinac ee Xisbiga ayaa soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS