July 24, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan cabashada maamulka Puntland ee ku saabsan maamulka Galmudug ee dhawaantaan lagu dhisay magaalada Cadaad

//youtu.be/RgbXPynW39UMadaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayey xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug ayaa waxaa uu ka hadlay cabashadii ka soo yeertay maamulka Puntland ee ku aadaneyd maamulka Cusub ee Galmudug ayaa waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay inaan maamulka Puntland uusan wax carqalad ah ku ahayn maamulkaan Cusub ee Galmudug iyadoona uu madaxweynuhu uu sidoo kale uu sheegay in wixii tabasho ah lagu dhameeyo wadahadal islamarkaana la iska dhaafo hadalada warbaahinta la isku marinaayo.

Ugu damneyntiina iyadoo madaxweyen Xasan Sheekh uu ka dhawaajiyey hadalkaas ku saabsan inaan maamulka Galmudug uusan wax dhibaato ah u keeni doonin maamulka Puntland ayaa waxaan la ogeyn sida uu maamulka Puntland uu ugu qanci doono hadalka Madaweynaha maadaama laga soo bilaabo dhisidii maamulka Galmudug uu maamulka Puntland uu cabasho ka muujinaayey xuduudaha maamulka Galmudug oo uu ku sheegay in dhul uu asagu uu maamulo uu sheegtay maamulkaas Galmudug inuu ka mid yahay.

COMMENTS