September 19, 2012 | Posted by admin

DUHUR: (Rochester): Waxaa magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota ka dhacday xaflad aad iyo aad u balaaran lagana soo shaqeeyay hadaba xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan jaaliyada soomaalida ee ku kala nool daafaha magaalooyinka Minnesota.

Waxaa kaloo halkaas qudbada aad u muujinaya tageerada balaaran ay u hayaan madaxweynaha cusub Prof. Hassan Sh. Mohamud ka jeediyay madaxda kala duwan ee gobolka Minnesota haday noqon lahayd aqalka sare iyo xubnaha deegaanka iyo hay’adaha kala duwan ee aan dowliga ahayn ee gobolkan, maadama madaxweynuhu yahay mid ka tirsnaa samafalayaasha iyo u shaqeeyaha arimaha bulshada ayaa waxaa halkaas ay ka dhawaajiyeen dhamaan madaxda gobolka inay garab taagan yihiin isbadalka cusub ee ka dhashay wadanka Soomaaliya iyo inay aad u taagersan yihiin M/weynaha Cusub Prof. Hassan Sheikh Mohamud.

Sidoo kale, waxaa halkaas aan ka maqnayn haday naqanlahayd xildhibaano, aqoonyahano iskugu jira rag iyo dumar, iyo waliba duubabka dhaqanka kala duwan ee Soomaalidu leedahay.

Dhamaan halkaas waxa ka hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta ku bartay dalka Maraykanka aad iyo aadna u taageray M/weyne Hassan inuusan ka mid ahayn dadka 20-kii sano gacmaha dhiiga ku lahaa, uunaa ahaa mid istaahilo inuu hogaamiyo dalka Soomaaliya.

Dhamaan xafladaas waxay ku soo dhamaatay jawi xamaasad iyo xiiso badan.

XAFLADII ROCHESTER IYO MINNEAPOLIS OO KA BAXDAY UNIVERSAL TV DAAWO DAQIIQADAHA U DANBEYA

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA
MUKTAR AHMED MOHAMUD “KATIITOW”

COMMENTS