October 21, 2012 | Posted by admin

Rochester, Mn (Duhur):-Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota Gaar ahaan magaalada Rochester ayaa dhigay xaflad ay ku muujinayaan shacuurtooda tasoo ay si buuxda ugu taageereen R/wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr. Abdi Farah Shirdon “Saacid” waxayna halkaas ku soo bandhigeen dabaaldeg isku jira Gabayo, Guurow, heeso iyo waliba talooyin ay u jeedinayan madaxda Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale, R/wasare Saacid ayaa qadka telefoonka kala hadlay jaaliyada Reer Rochester mahad balaarana hawada u soo marsiiyay Soomaalinimada ay muujiyeen, isku soo duub xafladaas ayaa waxay ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

North America Duhur Media
Muktar Katiitow

COMMENTS
  1. qaaqa said:

    shaqo wanaagsan.waa muhiim in la taageero isbadalka cusub si loo gaaro qaranimo dhab ah qabyaaladana loo aaso.