January 30, 2013 | Posted by admin

Sawirka Ninka isqarxiyey

Hay’ada Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigey magaca iyo sawirka Ninkii maanta naftiisa ku qarxiyey banaanka hore ee Villa Soomaaliya kasoo diley Askari ka tirsanaa illaalada Villada, NNS waxay kusheegeen Ninka ismiidaamiyey inuu ahaa nin horey u sheegtey inuu kasoo goostey Al-shabaab laguna magacaabo  Cali Cabdi Xareed OO u dhashey Habarjeclo – Isaaq.

Hay’ada Nabadsugidu waxay intaa raaciyeen iney ka warhayeen ninkaan oo baaritaan ku socdey lakiin Wax tafaasiil ah kama aysan bixin baaritaanka noociisa iyo inta uu le’ekaa shakiga ay ka qabeen ninkaan.

Waxaa iminka muqdisho ku sugan oo laga warqabaa kumayaal kasoo goostey Al-shabaab mana ahan markii u horeysey ee qof sheegtey inuu kasoo goostey Al-shabaab uu qarax noocaan oo akle ah geysto, dabayaaqadii sanadkii hore ayaa baar lagu qaxweyo ay isku qarxiyeen laba qof oo Al-shabaab horey uga tirsanaan jirey:

COMMENTS