March 29, 2015 | Posted by admin

Dowladda Somaliya, ayaa shalay soo bandhigtay meydadka saddex ka mid ah raggii Shabaabka ka tirsanaa, ee weeraray Dhismaha Hotelka, gelinkii dambe ee Jimcihii.
IMG_2889DE-3E86C0-3395F2-E4EF84-82FDB6-204F89

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka, ayaa sheegay in weerarkaasi ay geysteen 5 ilaa 6 nin oo Ururka Al Shabaab ka tirsan, laguna guuleystay saacado badan ka dib in raggaasi la laayo, sida uu yiri.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa daboolka ka qaaday in Xoogagii Shabaabka ee weeraray Dhismaha Maka Al Mukarama Hotel, ay qaarkood nolol kaga soo laabteen Hotelkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Img Description

 

COMMENTS