December 4, 2012 | Posted by admin


Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sahro Cumar ayaa maanta Qado sharaf u sameeysay Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Dalka Marwo Xaawo Cabdi Samatar,haweenka Xildhibaannada ah iyo haween kale.

Qado Sharaftan ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxey Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Marwo Sahro Cumar ugu talagashay iney kusoo dhaweyso Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Dalka ayadoo munaasabadaasi qado sharaftana ay aheyd mid heer sare ah.

Marwo Sahro Cumar Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa khudbad ay jeedisay qadada kadib ay uga mahad celisay marwada Madaxweynihii hore ee dalka iyo martida kale ee munaasabadda kasoo qeybgashay.

Marwo Xaawo Cabdi Samatar Marwada Madaxweynihii hore ee Dalka oo iyaduna munaasabadda qado sharafta ah hadal kooban ka jeedisay ayaa waxey uga mahad celisay Marwada Madxweynaha Jamhuuriyadda munaasabadan qado sharafta ah ee ay u sameysay.

Gebagebadii Munaasabadda Qado Sharafta ayaa waxaa hadiyaddo lagu gudoonsiiyey Marwada Madaxweynihii hore ee dalka ee geeriyooday Allaha u naxariistee Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed Marwo Xaawo Cabdi Samatar.

COMMENTS