May 26, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo Al-shabaab laba jeer kala wareegtay gacan ku haynteeda ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, iyagoo booqday deegaanno kale oo Shabeellada Hoose ka tirsan.

Xasan Sheekh oo xirnaa direyska millateriga Somalia ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Difaaca Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha Ciidamada Xoogga, Jen. Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare.

Goobaha uu booqday madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ahaa Muuri, Labar 50 iyo Laanta-buuro iyo Degmada Aw-dheegle, isagoo booqday Qaar ka mid ah Talisyada Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa Degmada Aw-dheegle wuxuu Darajooyin ku siiyay ciidamada ku sugan oo dagaallo la galay Al-shabaab, inkastoo laga qabsaday degmada iyo deegaanno kale oo ku dhow, isagoo askartii dagalallada ku dhintay uu sheegay inuu siiyay min laba darajo.

Madaxweynaha Somalia ayaa khubad dar-daaran ah u jeediyay Ciidamadii uu kula kulmay Aw-dheegle isagoo yiri. “Waxa ugu wanaagsan ee aad Dalkiinna u hurteen waa Naftiinna, dhiiggiina iyo sharaftiina; waadna ammaanan tihiin… Abaalkiinana maalin ayuu Qaranku gudi doonaa. Waxaadna Astaan u tihiin Qaranka Soomaaliyeed oo dib u soo Noolaanaya, Dowladana waxaa ka go’an inay dadaal dheeri ah ku bixiso helidda xuquuqda aad xaqa u leedihiin, dagaalka cadowga aad kula jirtaanna waa in aad sii waddaan oo aad ogaataan in ALLE idin la jro oo aad guuleysanaysaan.”

i1
Wuxuu kaloo madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in Sannadkan dhammaadkiisa ay dalka oo dhan ka saarayaan Al-shabaab, isagoo yiri. “Haddii ALLE idmo waxaan heli doonnaa tasiilaadka aad u baahan tihiin si aad u soo af-jartaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo aan uga wada-shaqeyno horumarka dalkeenna ka socda.”

Ugu dambeyn, taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Daahir Indho-qarshe oo hadal siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Somalia uu maanta ugu tagay ciidamada ay tahay mid si cad u Dhiirri-gelineysa Niyadda Ciidamada oo Dagaal kula jira Al-shabaab.

Si kasta ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo Madaxweynaha Somalia oo xiran dharka ciidamada millateriga Soomaaliya uu booqasho ku tago deegaan ka mid ah dalka, waxaana booqashadiisan Gobolka Shabeellada Hoose ay kusoo beegmaysaa xilli ay xiisado ka jiraan Gobolkaas.

COMMENTS